Boosaaso (Dawan)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya lagu qabtay tartanka kubadda cagta xeebaha (Beach Soccer), kaddib markii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Xiriirka Kubadda Cagta Puntland ay iska kaashadeen qabanqaabada tartankan.
Tartanka oo billowday 30-kii Oktoobar, waxaa ka qayb galay lix kooxood oo ka dhisan magaalada Boosaaso, kuwaas oo ku tartamaya mid ka mid ah noocyada kubadda cagta ee sida weyn uga soo koraya caalamka.
Sidoo kale, markii ugu horreysay ayaa kooxo gabdho ahi ka qayb galeen ciyaaraha kubadda cagta xeebaha, iyagoo fursad u helay inay ku tartamaan noocan ciyaareed.