Jabuuti, 5 Oktoobar 2025 — Dowladda Jabuuti ayaa soo dhaweysay 28 gaari oo cusub oo loogu talagalay qashinka qaadista, kuwaas oo ay maalgelisay Salaam Bank. Mashruucan waxa uu ujeedkiisu yahay in la hagaajiyo adeegyada nadaafadda ee magaalada.
Gaadiidka cusub ayaa la daahfuray Sabtidii xafiiska Wakaaladda Nadaafadda Jabuuti, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socday dowladda iyo Salaam Bank.
Jaamac Xirsi Cabdi, Agaasimaha Guud ee Salaam Bank, ayaa sheegay in bankigu uu sii wadayo taageeradiisa mashaariicda nadaafadda ee magaalooyinka. “Waxaan ballan qaadaynaa inaan garab istaagno dhammaan howlaha mustaqbalka ee loo baahan yahay, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo nadaafadda iyo bilicda magaalada,” ayuu yiri.
Siciid Nuux Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, ayaa uga mahadceliyey Salaam Bank taageerada ay siisay mashruuca, isagoo ku tilmaamay talaabadan mid muhiim u ah horumarinta nadaafadda iyo bilicda magaalada.
Gaadiidkan cusub ayaa la filayaa in uu kordhiyo waxtarka adeegyada qashinka qaadista iyo in uu gacan ka geysto hagaajinta deegaanka iyo caafimaadka bulshada ee caasimadda.



