Baku (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa Hay’adda Caalamiga ah ee Maalgelinta Ganacsiga Islaamka (ITFC) la saxiixatay heshiis qaab-dhismeed maalgelin ganacsi oo dhan 750 milyan oo doollar, kaas oo lagu taageerayo qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha dalka muddada u dhexeysa 2026 illaa 2029.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI, heshiiska, waxaa magaalada Baku ku kala saxiixday Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti ee u qaabilsan Warshadaha, Ilyaas Muuse Dawaaleh, iyo Agaasimaha Guud ee ITFC, Adeeb Yousuf Al Aama, intii lagu guda jiray shirka sanadlaha ah ee Kooxda Bangiga Horumarinta Islaamka.
Wasaaradda Maaliyadda Jabuuti ayaa sheegtay in qaab-dhismeedka maalgelintan lagu taageeri doono qaybaha istaraatiijiga ah ee dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin tamarta, sugnaanta cuntada iyo ganacsiga, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarka dalka.
Wasiir Ilyaas Muuse ayaa heshiiska ku tilmaamay mid muujinaya kalsoonida sii kordheysa ee hay’adaha caalamiga ahi ku qabaan qorshaha horumarineed ee dowladda Jabuuti.
“Heshiiskan taariikhiga ah wuxuu caddeyn u yahay kalsoonida cusub ee ay saaxiibadeennu ku qabaan aragtida horumarineed ee Jabuuti,” ayuu Dawaaleh ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa X kadib munaasabadda saxiixa.