Jabuuti (Dawan)– Dowladda Jabuuti ayaa sii xoojinaysa dadaallada lagu ilaalinayo awoodda wax iibsiga ee muwaadiniinta iyo hufnaanta suuqa, iyadoo shalay (Talaadadii) si rasmi ah u daahfurtay xarun qaran oo qaabilsan dhageysiga cabashooyinka ganacsiga ee dalka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye, ayaa si rasmi ah u furay xarunta cusub ee cabashooyinka ganacsiga, taas oo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu taageerayo muwaadiniinta iyo kobcinta nidaamka ganacsiga dalka.
Xaruntan casriga ah ayaa si gaar ah diiradda u saaraysa in macmiil kasta uu helo adeeg si degdeg ah uga jawaaba cabashooyinka iyo su’aalaha la xiriira ganacsiga.
Xarunta cusub ayaa loo qorsheeyay inay noqoto nidaam casri ah oo u fududeynaya muwaadiniinta inay si degdeg ah u gudbiyaan cabashooyinka la xiriira xadgudubyada ganacsi.


