Jabuuti (Dawan ) – Xukuumadda Jabuuti ayaa ansixisay barnaamijyo cusub oo heerka Master-ka ah oo ay bixinayso Jaamacadda Jabuuti, kuwaas oo diiradda saaraya Garaadka Macmalka (AI), Injineeriyadda Tamarta iyo Waxtarka Tamarta, iyo Cilmiga Biyaha, si loo xoojiyo awoodda aqooneed ee dalka iyo horumarinta bulshada.
Go’aankan ayaa lagu ansixiyay kalfadhigii afaraad ee shirka Golaha Wasiirrada ee shalay qabsoomay, waxaana lagu sheegay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda dowladda ee lagu casriyeynayo nidaamka waxbarashada sare iyo la jaanqaadka isbeddellada tiknoolajiyadda ee caalamka.
Barnaamijyada cusub ayaa ujeeddadoodu tahay in la tababaro khubaro heer sare ah oo ku takhasusa dhinacyada muhiimka u ah horumarka dalka, gaar ahaan maamulka biyaha oo muhiim u ah dalalka wajahaya caqabado la xiriira biyo-yarida, iyo tamarta oo door weyn ka qaadata kobaca dhaqaalaha iyo warshadaha.
Master-ka Garaadka Macmalka ayaa diiradda saari doona tiknoolajiyadaha casriga ah sida deep learning iyo big data, iyadoo sidoo kale lagu dari doono tababaro iyo cilmi-baaris ku saleysan xaaladaha dhabta ah, si loo taageero dijitaalaynta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
