New York (Dawan) – Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay, Maxamed Siyaad Ducaale ayaa ka digay khataraha ku wajahan marinnada badda caalamiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin xorriyadda maraakiibta iyo marin aan carqalad lahayn, sida ay warisay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI Talaadadii.
Danjiraha ayaa hadalkan ka jeediyay dood ku saabsan amniga badda oo ka dhacday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Xorriyadda maraakiibta iyo marin aan carqalad lahayn ee marin-biyoodka caalamiga ah waa tiir muhiim u ah nabadda iyo amniga,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in ilaalinta marinnada badda ay tahay arrin muhiim u ah xasilloonida caalamka, isagoo xusay doorka dalalka xeebaha leh ee ku aaddan hubinta marin ammaan ah.


