Abuja (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa kala hadashay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), iyadoo ay waddankaasi sii wado dadaallada lagu xoojinayo isdhexgalka ganacsiga gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Jabuuti, Orbis Helaf Orbis, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, kadib markii uu ka soo qeyb galay shirkii 18-aad ee Golaha Wasiirrada AfCFTA ee ka dhacay Abuja.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray natiijooyinkii kasoo baxay shirka wasiirrada iyo tallaabooyinka xiga ee lagu hirgelinayo AfCFTA, oo ah qaab-dhismeed muhiim u ah kor u qaadista ganacsiga gudaha Afrika iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee qaaradda.
Wasiirka Jabuuti ayaa guddoomiyaha siiyay warbixin ku saabsan qodobadii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay kulanka Abuja, oo ay ku jiraan caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiska iyo fursadaha dhaqaale ee uu u abuurayo dalalka Afrika.