Jabuuti, 30 Oktoobar 2025 – Jabuuti ayaa si rasmi ah u furtay Carwada Farshaxanka Haweenka ee sanadlaha ah, taasoo soo bandhigaysa alaabooyin gacanta lagu farsameeyay isla markaana taageerta awoodsiinta dhaqaale ee haweenka farshaxan-sameeyaalka ah ee dalka oo dhan.
Carwadan, oo ay qabanqaabiyaan Ururka Haweenka Qaranka ee Jabuuti (UNFD), ayaa soo bandhigaysa dahab, dhar, bacaha gacanta lagu sameeyo, qurxinta guriga iyo alaabooyin dhaqameed kale. Haween ka kala yimid shanta gobol ee dalka ayaa kusoo bandhigay alaabtooda, iyagoo ujeedadoodu tahay in la ballaariyo suuqa gudaha iyo kan caalamiga ah.
Wasiirka Haweenka iyo Qoyska, Muna Cusmaan Aadan, oo ka qaybgashay Carwada arbacadii, ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay taageerida haweenka ganacsatada ah iyo kobcinta suuq-geynta alaabtooda. Wasiirku waxa ay intaas ku dartay in qaar ka mid ah alaabaha la iibin doono hab online ah si loo gaaro suuq ballaaran.
“Carwadan waa qayb ka mid ah dadaalladeena lagu horumarinayo ka-qaybgalka dhaqaale ee haweenka iyo in la abuuro fursado nololeed oo waara iyada oo loo marayo hal-abuur iyo farsamo,” ayay tiri Wasiirka Muna Cusmaan Aadan.
Carwada oo sanadkeedii Lixaad la qabanayo ayaa bilaabatay 26 October waxa ayna socon doontaa ilaa 2-da November, iyadoo qayb ka ah istaraatiijiyadda Jabuuti ee lagu taageerayo haweenka ganacsatada ah iyo kobcinta dhaqaalaha hal-abuurka.



