Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa xoojinaysa tababarrada xirfadeed ee dhalinyarada si loo yareeyo shaqo la’aanta, iyadoo la ballaarinayo barnaamijyo lagu horumarinayo xirfadaha suuqa shaqada, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Djibouti (ADI).
Machadka Qaranka ee Maamulka Dadweynaha ayaa door weyn ka qaadanaya hirgelinta barnaamijyadan, kuwaas oo lagu tababarayo boqolaal dhalinyaro ah si ay u helaan xirfado ku habboon baahiyaha suuqa shaqada ee dalka.
Barnaamijyadan ayaa qayb ka ah mashruuca “Skills” ee uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, kaas oo diiradda saaraya in dhalinyarada lagu qalabeeyo aqoon iyo xirfado wax ku ool ah, si ay u noqdaan kuwo si fudud ugu biiri kara suuqa shaqada.


