Al-Calameyn (Dawan)- Jabuuti ayaa ku baaqday in ballanqaadyada Afrika loo beddelo natiijooyin la taaban karo, iyadoo dalbatay in la xoojiyo isku-duwidda u dhexeysa Midowga Afrika iyo ururrada gobollada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Afhayeenka Dowladda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa hadalkan ka sheegay kulankii siddeedaad ee labadii sanaba mar la qabto ah ee isku-duwidda Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Al-Calameyn ee Masar, halkaas oo ay ka qayb galeen xubnaha Midowga Afrika, ururrada dhaqaale ee gobollada iyo hay’adaha kale ee gobolka.
Wasiirka, oo wakiil ka ahaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in loo baahan yahay in ballanqaadyada qaaradda loo beddelo natiijooyin la taaban karo oo muuqda, si loo dardargeliyo isdhexgalka Afrika iyo hirgelinta Ajandaha 2063.
Dhinaca nabadda iyo amniga, Cabdulqaadir Xuseen Cumar ayaa sheegay in arrimahaasi ay yihiin mudnaanta koowaad ee Geeska Afrika, isagoo ku baaqay in la xoojiyo ka-hortagga khilaafaadka, dhexdhexaadinta iyo fududeynta wada-hadallada si wax looga qabto dhibaatooyinka saameynaya gobolka iyo qaaradda.