Dar es Salaam (Dawan)– Jabuuti ayaa shir caalami ah oo ka dhacay Tanzania ka dalbatay in la xoojiyo ilaalinta shaqaalaha u shaqo taga dalal kale, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Wasiirka Shaqada Jabuuti, ahna mas'uulka arrimaha nidaaminta shaqada iyo daryeelka bulshada, Yoonis Cali Geeddi, ayaa dalkiisa ku matalay shirka labaad ee Wadahadalka Doha ee socdaalka shaqaalaha. Shirka waxaa lagu qabtay magaalada Dar es Salaam 5-ta iyo 6-da Oktoobar.
Sida ay Wakaaladda Wararka Jabuuti sheegtay, shirka waxaa ka qayb galay in ka badan 33 dal oo Afrika, Carab iyo Golaha Iskaashiga Gacanka ah. Waxaa sidoo kale ka qayb galay Midowga Afrika, Hay'adda Shaqada Adduunka (ILO), Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM) iyo ururrada shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha.
Wasiir Yoonis Cali Geeddi ayaa sheegay in socdaalka shaqada aan lagu soo koobi karin oo keliya shaqaale ka guuraya dal una guuraya dal kale. Sida ay ADI sheegtay, wuxuu ku tilmaamay arrin dhaqaale, bulsho iyo bini'aadannimo oo muhiim ah. Wasiirku wuxuu ku baaqay in la xoojiyo waddooyinka sharciga ah ee socdaalka shaqada, in shaqaalaha si fiican loo diyaariyo ka hor intaysan dalka ka bixin, in la aqoonsado xirfadahooda, iyo in la xoojiyo ilaalintooda inta ay socdaalka iyo shaqada ku jiraan.