Jigjiga (Dawan ) – Jabuuti ayaa Isniintii ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika, iyadoo ka digtay loollan iyo kala qeybsanaan ka dhalata tartanka sii kordhaya ee juqraafi-siyaasadeed ee gobolka uu saamayn ku yeesho wax wada qabsiga bulshada gobolka.
Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale oo ka hadlayay Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika ee Nabadda iyo Amniga oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in mustaqbalka gobolka lagu dhisi karo kalsooni, isku-duwid iyo masuuliyad wadajir ah.
“Mustaqbalka Geeska Afrika laguma dhisi karo shaki iyo loollan. Waa in lagu dhisaa kalsooni, iskaashi iyo masuuliyad wadajir ah,” ayuu yiri wasiirka qoraal uu ku baahiyay barta X.
Waxa uu sheegay in isdhexgalka dhaqaale iyo marinnada dhaqaalaha ee gobolka ay muhiim u yihiin himilada fog ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
“Gobol inta badan ay saameeyaan kala qeybsanaan iyo tartan juqraafi-siyaasadeed, waa inaan xaqiijinnaa xaqiiqo muhiim ah oo ah in isku xirnaantu ay dhaliso isku-tiirsanaan, halka isku-tiirsanaantuna ay dhaliso xasillooni,” ayuu raaciyay hadalkiisa.


