Paris (Dawan) – Jabuuti ayaa markii labaad loo doortay xubinnimada Guddiga Dowladda-dhexe ee UNESCO ee Ilaalinta Dhaxalka Dhaqanka Aan La Taaban Karin, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Doorashada ayaa lagu qabtay gabagabadii kalfadhigii 11-aad ee Golaha Guud ee Heshiiskii UNESCO ee 2003, kaas oo u gaar ah ilaalinta dhaxalka dhaqanka aan la taaban karin.
Heshiiska UNESCO ee 2003 waa heshiis caalami ah oo lagu ilaaliyo hidaha dhaqanka ee aan la taaban karin, sida suugaanta afka, heesaha, ciyaaraha hidaha, caadooyinka bulshada, aqoonta soo-jireenka ah iyo farsamooyinka gacanta. Heshiisku wuxuu ku dhiirrigeliyaa dalalka inay diiwaangeliyaan, ilaaliyaan, isla markaana jiilasha dambe u gudbiyaan hidahooda dhaqameed, iyagoo sidoo kale iska kaashanaya ilaalinta dhaqamada nool.
Jabuuti ayaa hore uga mid ahayd guddigan muddadii u dhexeysay 2018 illaa 2022, waxaana dib loogu doortay xubinimadiisa iyadoo sii xoojinaysa doorkeeda ku aaddan arrimaha dhaqanka ee caalamiga ah.
Guddigan ayaa mas'uul ka ah qiimeynta codsiyada lagu doonayo in dhaqamada, xirfadaha iyo hidaha nool lagu daro Liisaska Dhaxalka Dhaqanka Aan La Taaban Karin ee Aadanaha. Waxa kale oo uu kormeeraa hirgelinta Heshiiska UNESCO ee 2003, isla markaana hagaa siyaasadaha caalamiga ah ee lagu ilaalinayo dhaqamada nool.