Jabuuti (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa maalgelin dheeraad ah u raadineysa Garoonka Caalamiga ah ee Biidley, kaas oo ah mashruuc ku kacaya qiyaastii €411 milyan(qiyaastii $474 milyan) oo loogu talagalay in lagu ballaariyo awoodda gaadiidka cirka iyo xamuulka dalkaas.
Wasiirro, diblomaasiyiin iyo maalgeliyeyaal ayaa Arbacadii magaalada Jabuuti ku yeeshay kulan lagu qiimeynayay halka uu marayo mashruuca iyo qaabka lagu heli karo dhaqaalaha ka dhiman, sida ay sheegeen Wakaaladda Wararka Jabuuti iyo Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdulqaadir Xuseen Cumar, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale, Wasiirka Miisaaniyadda Cismaan Ibraahim Rooble iyo Wasiirka Qalabka iyo Kaabeyaasha Saciid Nuux Xasan. Waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi, Safiirka Faransiiska Jérôme Bresson, Safiirka Mareykanka Cynthia Kierscht iyo Safiirka Japan Akihiro Okochi.
Hay’adda Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ayaa sheegtay in wadahadalladu diiradda saareen ururinta maalgelinta dheeraadka ah iyo xoojinta isbahaysiga dhinacyada horey uga go’an taageerada mashruuca, oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Faransiiska iyo Japan.