Jabuuti, 21 Janaayo 2026 (Dawan) — Maamulka Dekedaha iyo Gaadiidka Xorta ah ee Jabuuti ayaa xaqiijiyay in Jabuuti ay martigelin doonto shirka 35-aad ee “ Gaadiidka isku dhafka ee Afrika” laga bilaabo 10-ka ilaa 12-ka Febraayo, 2026, kaas oo la filayo inuu isugu keeno in ka badan 400 madax go’aan-gaarayaal ah oo ka kala socota caalamka.
Shirkan caalamiga ah ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta saadka qaaradda Afrika, iyadoo ay ka qeybgalayaan injineerada dekedaha, madaxda shirkadaha maraakiibta, iyo bixiyeyaasha adeegyada saadka. Saddex maalmood oo shirar heer sare ah iyo wadahadallo istiraatiijiyadeed ayaa la qorsheeyay si loo dhiirrigeliyo iskaashiga farsamo iyo maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee qaaradda.
Intaa waxaa dheer, Jabuuti ayaa martigelin doonta Madasha Ururka Maamulka Dekedaha ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (PMAESA) 9-ka Febraayo, iyada oo xoogga lagu saari doono horumarinta wadahadalka gobolka iyo iskaashiga shaqo ee daneeyayaasha arrimaha badda, gaar ahaan Geeska Afrika.






