Jabuuti, 8 October 2025 (Dawan) – Jabuuti ayaa martigelisay dhoolatuska ciidamada Heeganka Bariga Afrika (EASF) ee badda, oo sanadkaan loogu magac daray “Bahari Salama,” oo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga amniga gobolka iyo ka hortagga khataraha badda ee ka jira gobolka.
Dhoolatuskan, oo shalay bilaabmay, waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guud ee Ciidamada Djibouti, General Zakariye Sheekh Ibraahim, waxaana ka qeyb galaya madaxda ciidamada 10 waddan oo Afrikaan ah iyo in ka badan 100 qof oo wakiilo ka ah dalakaan.
Dhoolatusku wuxuu diiradda saaraya xoojinta amniga badda, ka hortagga burcad-badeednimada, iyo wax ka qabashada kalluumeysiga sharci-darrada ah. Waxaa sidoo kale uu ujeedadiisu tahay in la xoojiyo wada shaqaynta dalalka Bariga Afrika si ay u ilaalinayaan badaha gobolka.
Kolonel Wacays Omar Boqore, Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Jabuuti, ayaa sheegay in Jabuuti ay ku faraxsan tahay inay martigeliso dhoolatuskan. Wuxuu sidoo kale sheegay in tani ay tahay muujinta sida Jabuuti uga go’an tahay amniga iyo xasilloonida gobolka. “Dhoolatuskan wuxuu ka turjimayaa tallaabada muhiimka ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Bariga Afrika iyo awoodda guud ee aan u leenahay in aan amniga badda ilaalino,” ayuu yiri Kolonel Boqore.
Dhoolatuskan ayaa soconaya ilaa 17-ka Oktoobar 2025. Doorka Jabuuti ee martigelinta dhoolatuskan ayaa muujinaya muhiimadda istiraatijiyadeed ee Jabuuti ee Geeska Afrika iyo sida ay uga go’an tahay inay la shaqeyso dalalka deriska ah si loo wajaho caqabadaha amni ee wadajirka ah.



