Jabuuti – 9 Disembar 2025 (Dawan)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa martigelisay madasha 16-aad ee dhaqaalaha dijitaalka Afrika, iyadoo sanadkaan diiradda lagu saaray kobcinta dhaqaalaha dijitaalka iyo doorka uu ku leeyahay isku-xirnaanta ganacsi ee qaaradda. Madasha ayaa socon doonta muddo 3 maalmood ah.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Maxamed Warsame Diiriye, ayaa shirguddoominaya madasha, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dalal badan oo Afrikaan ah, sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka Jabuuti.
Sidoo kale, madashan waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka socday qaybaha gaarka ah ee ganacsiga, kuwaas oo ka kala yimid wadamada ka qeybgalaya madashan.
Madasha, sanadkaan, waxaa hal-ku-dhig looga dhigay; “Ka faa’ideysiga dhaqaalaha dijitaalka iyo hal-abuurka si loo xoojiyo ganacsiga gudaha Afrika iyo horumarinta waarta ee la wadaago.”







