Jabuuti (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa kordhisay muddada ansaxnimada baasaboorka caadiga ah ee biometriga, iyadoo laga dhigay 10 sano halkii ay markii hore ka ahayd shan sano, kaddib markii Golaha Wasiirradu shalay ansixiyay hindise ay soo jeedisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Isbeddelkan ayaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo tirada jeer ee muwaadiniintu u baahan yihiin inay cusboonaysiiyaan baasaboorradooda, isla markaana lagu fududeeyo habraacyada maamulka iyo kharashaadka la xiriira cusboonaysiinta dukumentiga safarka.
Baasaboorka biometriga ee Jabuuti ayaa la hirgeliyay bishii Febraayo 2017, waxaana loo sameeyay inuu noqdo dukumenti safar oo ammaan badan, isla markaana fududeeya socdaalka caalamiga ah ee muwaadiniinta dalka.