Jabuuti, 02 Oktoobar 2025 – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah uga guddoontay Dowladda Ruushka gargaar bani’aadamnimo oo lagu taageerayo dadaallada lagu wajahayo abaarta dalka, taas oo khatar weyn ku haysa heysashada cunnada boqolaal kun oo qof.
Munaasabadda lagu wareejinayay gargaarkan oo Arbacadii ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, oo uu ku jiray Wasiirka Arrimaha Bulshada, iyo sidoo kale Andrei Shanin, ku-simaha safaaradda Ruushka ee Jabuuti.
Gargaarkan Ruushka ee miisaankiisu dhan yahay 23 tan ayaa ka kooban cuntooyin, dawooyin iyo qalab caafimaad. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in deeqdani lagu talagalay in lagu daboolo baahiyaha degdegga ah ee qoysaska sida daran u saameeyeen abaarta daba dheeraatay.
“Taageeradan waxay muujinaysaa sida shacabka iyo dowladda Ruushka ay uga go’an tahay inay garab istaagaan shacabka reer Jabuuti xilli ay wajahaan duruufo adag,” ayuu yiri Andrei Shanin intii lagu guda jiray munaasabadda.
Dowladda Jabuuti ayaa si diirran u soo dhaweysay deeqda, iyadoo ku tilmaamtay tallaabo xoojinaysa xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee Jabuuti iyo Ruushka.
“Deeqdan waxay qeb ka noqon doonta qorshada qaran gurmadka abaraha oo dowladu ugu talagashay inay ku caawiso qoysaska samenta ku gartay abaaraha” ayay tiri Amina Axmed Warsame, Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada.
Jabuuti ayaa hore u caddeysay in abaarta taagan ay tahay natiijo toos ah oo ka dhalatay isbeddelka cimilada, taas oo si xun u saamaysay bulshada ku tiirsan xoolo-dhaqashada iyo beeraha roobka ku xiran.
Sida lagu sheegay warbixinta ugu dambeysay ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO waxay qiyaastay in inta u dhaxaysa June illaa December 230,000 qof oo ku nool Jabuuti ay wajahayaan xaalad cunto-yari ba’an.



