Jabuuti (Dawan)– Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed Burhaan, ayaa geeriyooday, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta dalka Jabuuti, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cabdilqaadir Maxamed Kaamil uu tacsi u diray qoyskiisa, ciidamada qalabka sida iyo shacabka Jabuuti.
Kaamil ayaa bayaan tacsi ah ku sheegay in geerida Burhaan ay firaaq weyn ku reebtay dowladda iyo ciidamada qalabka sida, isaga oo marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo daacad ah, walaal iyo saaxiib ay wadaageen duruufo iyo aragtiyo badan.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku ammaanay Burhaan sida adag ee uu ugu heellanaa shaqada iyo dareenkiisa sare ee waajibaadka qaranka.