Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday qorshe istaraatiiji ah oo lagu xakameynayo saameynta sicir-bararka, iyadoo laga jawaabayo kororka qiimaha badeecadaha muhiimka ah ee ka dhashay colaadda ka socota Bariga Dhexe.
Qorshahan ayaa yimid kadib kulan heer sare ah oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay ka qeybgaleen Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, si loo qiimeeyo saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta xiisadaha caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay qaadi doonto tallaabooyin degdeg ah oo lagu ilaalinayo xasilloonida qiimaha suuqyada, gaar ahaan badeecadaha daruuriga ah iyo tamarta, kuwaas oo si toos ah u saameeya nolosha shacabka.
Qorshaha cusub ee dowladda ayaa ku dhisan afar tiir oo waaweyn, kuwaas oo kala ah: xoojinta kormeerka suuqyada si loo kala saaro kororka qiimaha ee saxda ah iyo midka ku-takrifalka ah; ilaalinta qoysaska nugul iyadoo la kordhinayo kabka iyo taageerada bulshada; xoojinta wada shaqeynta dowladda iyo ganacsatada si loo hubiyo helitaanka badeecadaha; iyo yareynta ku-tiirsanaanta dibadda iyadoo la kala-duwaaayo ilaha sahayda iyo isla markaana la taageerayo wax-soo-saarka gudaha.