Jabuuti (Dawan)- Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti (FDF) ayaa soo gabagabeeyay tababarkiisa sannadlaha ah ee garsoorayaasha heerka sare, kaas oo lagu qabtay taageerada FIFA, laguna hoggaaminayay macallimiin caalami ah, sida ay werisay Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti (RTD). Tababarka oo socday shan maalmood ayaa waxaa ka qaybgalay 25 garsoore oo laga soo xulay garsoorayaasha ugu wanaagsan horyaalka qaranka Jabuuti.
Barnaamijka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xirfadaha farsamo ee garsoorayaasha iyo fahamkooda qawaaniinta ciyaarta. Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti ayaa tababarkan sannad kasta u qabta garsoorayaasha heerka sare ee weli shaqeeya, iyadoo ujeeddadu tahay in heerka garsoorka dalka loo waafajiyo heerarka caalamiga ah ee FIFA, sida lagu sheegay warbixinta RTD.
Tababarku wuxuu isugu jiray casharro aragti ah iyo tababarro practical ah , iyadoo si gaar ah loo xoogga saaray adkeynta shaqada garsoorka, dhexdhexaadnimada iyo sida loo maareeyo xaaladaha cadaadiska badan. Xafladda xiritaanka tababarka waxaa ka qaybgalay Radwan Issa Sougueh, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Hagidda FDF ahna madaxa Guddiga Isgaarsiinta iyo Suuq-geynta xiriirka.