Jabuuti, 5 December 2025 ( Dawan) – Maamulka Dekedaha iyo Aagagga Xorta ah ee Jabuuti ayaa si rasmi ah u howlgeliyay laba doon-jiidis oo casri ah, taas oo looga gol leeyahay xoojinta istiraatiijiyadda awoodda dekedaha iyo kaalinta Jabuuti ee marin-badeedka Geeska Afrika.
Doomahan cusub ayaa loogu magac daray Faarax Xasan Raage iyo Sacad Warsame Diiriye, kuwaas oo qeyb libaax leh kasoo qaatay hormarinta iyo maamulka Dekedaha Jabuuti.
Doomahan oo nuucoodu yahay TBP 68, waxaa si gaar ah loogu talagalay hagidda soo gelitaanka iyo ka bixitaanka maraakiibta aadka u waaweyn ee dekadaha jabuuti, waxayna awood u leeyihiin in ay si ammaan ah u maareeyaan maraakiibta dhererkoodu yahay 370 ilaa 390 mitir, kana shaqeeya biyo dhirirkoodu gaarayo 18 mitir. Tani waxay ka dhigan tahay in Jabuuti horumar ka sameysay maadaama doomihii hore ay awood u lahaayeen maraakiibta dhererkoodu ku koobnaa 170 mitir.






