Djibouti, 6 November 2025 — Machadka Qaranka ee Tirakoobka Jabuuti (INSTAD), oo iskaashi la sameeyay Rugta Ganacsiga Jabuuti, ayaa si rasmi ah u daahfuray tirakoobkii guud ee ugu horreeyay ee shirkadaha dalka, tallaabo lagu xoojinayo xogta dhaqaalaha iyo horumarinta waaxda gaarka loo leeyahay.
Munaasabadda daahfurka oo Arbacadii lagu qabtay xarunta Rugta Ganacsiga Jabuuti ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare iyo wakiillo ka socday ganacsiga gaarka loo leeyahay. Mas’uuliyiinta goobta ku sugnaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamed Warsame Diiriye, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Yuusuf Muuse Dawaale.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tirakoobkani uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah qorshaha isbeddelka dhaqaalaha Jabuuti, kaas oo soo saaraya xog dhab ah oo ku saabsan tirada, qaybinta iyo kaalmada ay shirkaduhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha qaranka. Tirakoobkani wuxuu gacan ka geysan doonaa qiimeynta siyaasadaha dowladda, qorsheynta horumarineed iyo dhiirrigelinta maalgashiga, isagoo siinaya sawir cad oo ku saabsan qaabka dhaqaale ee dalka.
Agaasimaha guud ee Machadka Qaranka ee Tirakoobka, Dr. Ibraahim Cabdi, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda tirakoobkan qaran ee lagu heli doono xog rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo.







