Laascaanood, 17 Janaayo 2026 (Dawan) — Wafdi heer sare ah oo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa soo gaaray Jimcihii magaalada Laascaanood, iyagoo ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka madaxweynihii ugu horreeyay ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, taasoo muujinaysa taageerada siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Jabuuti u fidinayso maamulka cusub.
Wafdigan, oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee gaara Laascaanood ka hor munaasabadda, waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Islaamka ee Jabuuti Muumin Xasan Barre iyo Wasiirka Isgaarsiinta Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon. Imaanshahooda ayaa ku soo aaday xilli magaalada ay martigelinayso wafdi heerar kala duwan ah oo ka kala socda gudaha Soomaaliya iyo dalal deris ah.
Imaanshaha wafdiga Jabuuti ayaa loo arkaa tallaabo muujinaysa xiriirka dhow ee u dhexeeya Jabuuti iyo Maamulka Waqooyi Bari, oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha la doortay Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye). Waxa kale oo ay astaan u tahay doorka ay Jabuuti ka qaadanayso taageeridda geeddi-socodka siyaasadeed iyo xasillinta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.






