Jabuuti (Dawan) – Guddoomiyaha Hay'adda Dekedaha iyo Aagagga Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti, Abuubakar Cumar Haadi, ayaa sheegay in dekedaha dalkiisu ay awood u leeyihiin inay qaabilaan maraakiibta dheeraadka ah, inkasta oo ay jiraan carqaladaha ka jira isu socodka maraakiibta ee Badda Cas.
Haadi ayaa sheegay in kororka kharashaadka maraakiibta ee la xiriira xiisadda marin-biyoodka Bab al-Mandab uu yahay caqabad weyn oo saameyn ku leh dhaqaalaha dalalka gobolka.
Waxa uu xusay in qiimaha lagu raro hal konteenar uu ka kacay ku dhowaad 3,000 oo doolar ilaa 10,000 oo doolar, taas oo uu ku tilmaamay culays weyn oo ku yimid ganacsiga.
Isagoo wareysi siiyay Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka Jabuuti (RTD), ayuu yiri: "Ma awoodno inaan annaga keliya qaadno kharashaadkan, waxaana ka shaqeyneynaa sidii loo heli lahaa xalal looga fogaanayo in howlaha dekeduhu ku socdaan khasaare."
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in kaabeyaasha dekedaha Jabuuti ay si buuxda u shaqeynayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qaabilaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo dheeraad ah inkasta oo ay jiraan caqabadaha gobolka.