Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka Madiina, ayaa 29-kii Oktoobar 2026 si rasmi ah looga daahfuray barnaamijka samafalka ah ee Saudi Noor 2026, kaas oo lagu bixinayo adeegyo caafimaad oo indhaha la xiriira, oo ay ku jiraan baaritaanno iyo qalliinno lacag la’aan ah.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Safiirka Sacuudiga, Saciid Al-Qahtani, Isku-duwaha Barnaamijyada Hay’adda IRVD, Omar Abdulle Osman, iyo marti sharaf kale.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu caawiyo illaa 500 oo bukaan ah, gaar ahaan dadka danyarta ah ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka adeegyada caafimaadka indhaha.
Adeegyada lagu bixinayo barnaamijka waxaa ka mid ah; Cabiridda iyo qiimeynta xaaladda indhaha, Baaritaanno caafimaad oo indhaha ah iyo Qalliinno kala duwan oo indhaha la xiriira.