Jabuuti (Dawan) – Booliska Jabuuti ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu adeegsaday Garaad Gacmeedka (AI) si uu u sameeyo caddeymo been abuur ah oo muujinaya lacag-bixinno elektaroonig ah oo loo nisbeeyay adeegga WAAFI, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Booliska.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu beegsan jiray ganacsatada, gaar ahaan kuwa iibiya qalabka elektaroonigga ah iyo dharka ee deegaanka PK12, isaga oo u soo bandhigi jiray caddeymo lacag-bixin oo been abuur ah si uu badeecooyin ugu qaato lacag la'aan.
Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan lix ganacsade ay dhibbane u noqdeen been abuurkiisa, iyadoo cabashooyin isdaba joog ah ay soo gaareen saldhigga booliska ee lagu magacaaabo Hodan.