Sacuudi Carabiya, 4 Febraayo 2026 (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay helitaanka maalgelin dhan shan bilyan oo Faranka Jabuuti ah (qiyaastii $28 milyan), taas oo lagu aasaasayo xaruntii ugu horreysay ee gobolka ee lagu daweeyo cudurka kansarka, tallaabadaas oo ujeedkeedu yahay xoojinta nidaamka daryeelka caafimaadka ee dalka.
Heshiiska maalgelinta waxaa Talaadadii ku kala saxiixday magaalada Jidda, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Mudane Ilyaas Muuse Dawaleh, iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Horumarinta Islaamka, Mudane Maxamed Al-Jasser.
Wasiir Dawaleh ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in Jabuuti ay gaartay guul taariikhi ah oo ku saabsan aasaaska xaruntii ugu horreysay ee gobolka ee cudurrada kansarka, isagoo xusay in mashruucani uu ka tarjumayo mabaadi’da caafimaadka, karaamada aadanaha iyo mustaqbalka muwaadiniinta reer Jabuuti.
Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka taageerada joogtada ah iyo ballanqaadka hagar la’aanta ah ee uu ku garab taagan yahay dadaallada horumarineed ee Jabuuti.






