Jabuuti (Dawan)- Weerar mindi loo adeegsaday ayaa subaxnimadii Sabtida ka dhacay maqaaxi ku taalla deegaanka PK 12 ee Jabuuti, halkaas oo wiil 24 jir ah oo ka shaqaynayay maqaaxi lagu dhaawacay.
Sida uu sheegay dhibbanaha, shan qof oo uu sheegay inuu garanayo ayaa gudaha u soo galay maqaaxida, ka hor inta aysan dhaawicin. Wuxuu sheegay in mid ka mid ah ragga uu gadaal ka qabtay, halka afarta kale ay mindiyo dhowr jeer ku dhufteen.
Dhibbanaha, oo aysan laamaha amnigu shaacin magaciisa, waxaa soo gaaray dhaawac culus. Sida ay sheegeen dadka loo qabtay dhacdada, weerarka ayaa salka ku hayay xiriir jacayl oo u dhexeeyay dhibbanaha iyo gabadh la dhalatay mid ka mid ah ragga weerarka soo qaaday.