Jabuuti (Dawan) –Ciidanka Booliska Milatariga Jabuuti ayaa sheegay inay burburiyeen shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga, qeybinta iyo iibinta xashiishka, kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Balbala ee magaalada Jabuuti, sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ee Jabuuti.
Howlgalkan oo ay shalay fuliyeen ciidanka Booliska Milatariga ee Einguella ayaa lagu qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen heerar kala duwan oo ka mid ah shabakadda, iyadoo sidoo kale la helay goob lagu keydinayay maandooriyaha.
Ciidamada ayaa sheegay in baaritaanno ay sameeyeen ay ku ogaadeen goob lagu kaydiyo xashiishka oo ku taalla deegaanka Balbala Wahledaba, halkaas oo laga helay 88 xabbo oo xashiish ah oo miisaankoodu dhan yahay 12 kiilo garaam.