Itoobiya, 28 Oktoobar 2025 — Dowladda Japan oo kaashanaysa Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay ee UNFPA ayaa gaari caafimaad ku wareejisay Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka ee bulshada ku nool deegaannada fog-fog ee aan si joogto ah u helin adeeg caafimaad.
Munaasabadda wareejinta, oo lagu qabtay xarunta Xafiiska Caafimaadka DDS ee magaalada Jigjiga Isniintii , ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Caafimaadka DDS, Muuse Axmed Ibraahim, wakiillo ka socday Xafiiska Maaliyadda DDS, Safaaradda Japan, iyo Hay’adda UNFPA.
Gaarigan caafimaadka ee casriga ah ayaa loogu talagalay inuu bixiyo adeegyo caafimaad oo isku dhafan, gaar ahaan daryeelka hooyada iyo dhallaanka, waxaana lagu wadaa inuu si joogto ah ugu adeego bulshada reer-guuraaga ah ee ku nool meelaha aan la gaari Karin isagoo ah mid guur guura.
Muuse Axmed Ibraahim, Wasiirka Caafimaadka DDS, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in gaarigan uu yahay guul muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka bulshada.
“Waxaan uga mahadnaqaynaa Dowladda Japan, shacabka dalkaas iyo Hay’adda UNFPA, sida ay uga jawaabeen codsigii iyo baahidii aan u gudbinay. Waxaan rajaynaynaa in iskaashigan caafimaad uu sii socon doono,” ayuu yiri.
Deeqdan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in adeegyada caafimaadka lagu gaarsiiyo bulshada aan wali helin adeeg caafimaad oo joogto ah, si loo xaqiijiyo helitaan siman iyo daryeel caafimaad oo waara guud ahaan deegaanka Soomaalida.



