Jigjiga (Dawan)- Tallaabo is beddel weyn ku samaynaysa habka ay muwaadiniintu u helaan adeegyada dowladda ayaa laga hirgeliyay magaalada Jigjiga ee Dowlada deegaanka Soomaalida, kaddib markii si rasmi ah loo daah-furay adeegga hal-goob ee MESOB, kaas oo lagu mideeyay adeegyo dowladeed oo hore ugu kala firirsanaa xafiisyo kala duwan oo ku kala yaal goobo kala fog.
Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa sheegay in xarunta MESOB ay tahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee lagu dardargelinayo casriyeynta adeeg-bixinta, isla markaana lagu yareynayo caqabadihii ay bulshada kala kulmi jirtay helitaanka adeegyada dowliga ah.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in hal xarun la isagu keeno adeegyo badan ay sare u qaadeyso hufnaanta shaqada, isla markaana ay xoojinayso kalsoonida u dhexeysa dowladda iyo shacabka, isagoo tilmaamay in qanacsanaanta muwaadiniinta ay tahay udub-dhexaadka isbeddelkan cusub.
Adeegga MESOB (One Stop Service) ayaa lagu wadaa in uu mideeyo adeegyo kala duwan oo ay bixiyaan hay’adaha dowladda, taasoo u sahlaysa muwaadiniinta in ay si degdeg ah uga helaan adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan hal goob, iyada oo laga fogaanayo sugitaan dheer iyo ku wareegidda xafiisyo kala duwan.







