Jigjiga (Dawan )– Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa Jimcihii daahfurtay waddo dhererkeedu yahay 7.3 kiiloomitir, laguna dhisay in ka badan 672 milyan oo birr Itoobiya ah (qiyaastii $4.3 milyan), iyadoo maamulka deegaanku uu sii wado dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku socodka magaalooyinka.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar, Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Itoobiya, Jaltu Sani, iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Jidadka Itoobiya, Maxamed Cabdiraxmaan.
Waddadan cusub oo loo yaqaan “Jidka 30-ka” ayaa waxaa fulisay Wakaaladda Jidadka Itoobiya (ERA), iyadoo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu casriyeynayo shabakadaha gaadiidka iyo waddooyinka magaalada Jigjiga.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in waddada lagu dhisay heerar casri ah oo la jaanqaadaya horumarka magaalooyinka, isla markaana ay kor u qaadi doonto isu-socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo sidoo kale wax ka tari doonta bilicda magaalada.


