Muqdisho (Dawan)- Magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, iyadoo sanadkan diiradda lagu saaray shaqo-abuurka, hal-abuurka iyo fursadaha dhaqaale ee dhallinyarada.
Munaasabadda oo 12-ka Agoosto lagu qabtay Jigjiga ayaa halku-dheg looga dhigay “Mawduucyo Kala-duwan iyo Himilooyin Guud”, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, ururrada dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirweynaha waxaa daahfuray Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Deegaanka, Ibraahim Cusmaan Faarax, iyadoo ay sidoo kale ka qeyb galeen Wasiirka Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DDS Maxamed Mahdi iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda deegaanku ay sannad kasta qorshe u dejiso shaqo-abuurka dhallinyarada, kuwaas oo isugu jira shaqooyin rasmi ah iyo fursado dhaqaale oo aan rasmi ahayn.
Wuxuu sheegay in qorshaha sanadkan uu ahaa in shaqo loo abuuro in ka badan 160,000 qof, balse tirada shaqo-abuurka la sameeyay ay gaartay 162,000 qof, kuwaas oo u badan dhallinyaro.