Hargeysa (Dawan)- Khilaafka ka dhashay qiimaha korontada Somaliland ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii Ciidanka Booliska Somaliland ay sheegeen inay tallaabooyin ka qaadeen qaar ka mid ah shirkadaha korontada, kuwaas oo lagu eedeeyey inay u hoggaansami waayeen awaamiirta la xidhiidha qiimaha adeegga korontada.
Taliska Booliska Somaliland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyey in hawlgalka la fuliyey habeenkii 1-da Nofeembar, kaddib baaqyo hore loogu diray qaar ka mid ah shirkadaha, kuwaas oo looga dalbaday inay yimaadaan Xarunta Baadhista Dambiyada (CID), si wax looga weydiiyo khilaafka qiimaha korontada. Boolisku waxa uu sheegay in tallaabadaasi timid kaddib markii shirkadaha loo yeedhay ay ka baaqsadeen inay yimaadaan xarunta.
Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale beeniyey eedeymo ay shirkadda Indho-birta ku baahisay warbaahinta, kuwaas oo la xidhiidhay adeegsiga awood xad-dhaaf ah iyo isku day dil intii hawlgalku socday.
Booliska Somaliland ayaa sheegay in tallaabooyinka ay qaadeen ay waafaqsan yihiin awoodaha sharciga ee ku xusan Qodobka 15aad, faqraddiisa 4aad, ee xeerka.