Jowhar (Dawan)- Heerka biyaha Wabiga Shabeelle ee magaalada Jowhar ayaa si xawli ah u kordhaya, iyadoo biyuhu ay hadda 30 sentimitir oo keliya u jiraan heerka khatarta fatahaadda dhexdhexaadka ah, sida lagu sheegay saadaasha toddobaadlaha ah ee mashruuca SWALIM ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO).
Sida saadaashu tilmaamayso, heerka biyaha Wabiga Shabeelle ee Jowhar ayaa kor u kacay 2.22 mitir, wuxuuna hadda gaaray 4.70 mitir. FAO SWALIM waxay sheegtay in magaalada Jowhar ay u badan tahay inay toddobaadkan gaarto heerka khatarta fatahaadda dhexdhexaadka ah.
Saadaashu waxay sidoo kale muujinaysaa in heerarka biyaha Wabiga Shabeelle ay si weyn uga kici karaan Beledweyne iyo Buulobarde. Beledweyne iyo Doolow ayaa laga diiwaangeliyay koror ku yimid heerka biyaha tan iyo 7-dii Oktoobar, kadib dhowr maalmood oo uu hoos u socday.
FAO SWALIM ayaa sheegtay in roobab culus oo u dhexeeya 50 ilaa 100 milimitir ama ka badan laga filayo buuraleyda Itoobiya ee ay ka soo billowdaan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba. Roobabkaasi ayaa la filayaa inay kordhiyaan qulqulka biyaha ku soo wajahan labada wabi. Dhanka Wabiga Jubba, khatarta fatahaaddu weli waa heer hoose, balse saadaashu waxay muujinaysaa inay sii kordhayso.
Saadaasha cimiladu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in roobab dhexdhexaad ah ilaa aad u culus laga filayo inta badan waqooyiga iyo bartamaha Soomaaliya, iyo sidoo kale gobollada Bay, Bakool iyo Hiiraan. Roobabka ayaa guud ahaan u dhexeeya 50 ilaa 150 milimitir, halka meelaha qaar ay gaari karaan ama dhaafi karaan 150 ilaa 200 milimitir.
FAO SWALIM waxay ka digtay in roobabka aadka u culus ay sababi karaan fatahaado degdeg ah iyo fatahaado ka dhaca magaalooyinka, gaar ahaan qaybo ka mid ah waqooyiga Soomaaliya, Bay iyo Hiiraan.