Kismaayo (Dawan) – Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa bilowday qaybinta gargaar bani’aadamnimo oo ay maalgelisay Dowladda Imaaraadka Carabta, kaas oo lagu gaarsiinayo ku dhowaad 12,000 qoys oo ay abaartu saameysay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jubaland.
Hawlgalkan gargaarka ah, waxaa fulinaya Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland iyadoo la kaashanaysa Guddiga Gurmadka Abaaraha. Gargaarka ayaa ka kooban raashin muhiim ah sida bur, bariis, saliid iyo sonkor.
Qaybinta ayaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo, waxaana daah-furay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq, oo sheegay in barnaamijkani uu yahay mid lagu daboolayo baahiyaha degdegga ah ee ay abaartu sababtay.
“Waxaan maanta daah-fureynaa mashruuc ballaaran oo raashin qeybin ah oo lagu gaarsiinayo 12,000 qoys oo ay abaartu saameysay ee ku nool Jubaland,” ayuu yiri Dhiriq.
Qaybinta bilowga ah ayaa gaartay 3,000 qoys oo ku nool Kismaayo iyo 1,000 qoys oo ku nool deegaanka Yurkud ee degmada Luuq ee gobolka Gedo, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu. Qoysaska haray ayaa la gaarsiin doonaa maalmaha soo socda degmooyin ay ka mid yihiin Badhaadhe, Dhoobleey, Ceel Waaq, Doolow, Luuq iyo Afmadow.
