Muqdisho (Dawan) — Jubba Airways ayaa dib ugu soo laabatay suuqa duulimaadyada Soomaaliya, iyadoo ku dhawaaqday qorshe ay dib ugu bilaabayso duulimaadyada gudaha iyo dibadda kadib hakad ku yimid hawlaheeda.
Maamulaha Jubba Airways ee Muqdisho, Maxamed Xiddig Cali, ayaa munaasabad maanta oo Khamiis ah lagu qabtay caasimadda ka sheegay in shirkaddu ku soo laabatay awood maamul, mid maaliyadeed iyo mid hawlgal oo ka ballaaran sidii hore.
Maxamed ayaa sheegay in diyaarad yar ay billowday hawlgalka, isla markaana shirkaddu qorsheyneyso inay bilaha soo socda diyaaradaheeda ku darto laba diyaaradood oo waaweyn iyo laba kale oo dhexdhexaad ah.
Shirkaddu waxay qorsheyneysaa inay duulimaadyo ka sameyso gudaha Soomaaliya iyo dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Kenya iyo Uganda, iyo meelo kale oo ka tirsan Geeska Afrika, sida uu sheegay Maxamed.