Boorama (Dawan)– Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in Gobolka Awdal uusan ka mid ahayn Somaliland, isaga oo ku tilmaamay hadalladaas “been-abuur” ay faafinayaan kooxo dano gaar ah leh.
Isagoo khudbad ka jeedinayay magaalada Boorama, oo uu ku tagay safar shaqo Sabtidii, ayuu Madaxweyne Ku-xigeenku sheegay in aysan jirin wax kala fogaansho ah oo u dhexeeya Awdal iyo Somaliland, isla markaana midnimada Somaliland aysan ahayn arrin la isku haysto.








