Hargeysa (Dawan)— Xisbiga KAAH ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay ku fashilantay xallinta colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Salal, isagoo ugu baaqay dhinacyada isku haya inay joojiyaan dagaalka oo ay wada-hadal ku xalliyaan khilaafaadkooda.
Xoghayaha Guud ee KAAH, Cabdillaahi Xaaji Siciid, ayaa shir jaraa'id oo ka dhacay Hargeysa Axaddii ku sheegay in xisbiga uu baaq nabadeed u dirayo dadka ku nool deegaannada ay colaadaha ka socdaan, gaar ahaan deegaanka Lughaya.
“Hubka dhiga, xabbadda joojiya, nabadda qaata,” ayuu yiri Cabdillaahi, isagoo sheegay in dadka isku haya colaadda ay yihiin bulshooyin xiriir dhow oo wadaaga deegaan, abtirsiinyo iyo xiriir qoys.
KAAH wuxuu sheegay in khilaafaadka jira lagu xalliyo hab nabadeed oo aan loo adeegsan dagaal iyo dil, isagoo tacsi u diray dadkii ku dhintay dagaallada, una rajeeyay caafimaad degdeg ah dadka ku dhaawacmay.