Muqdisho (Dawan)- Kaalintii dhallinyarada Soomaaliyeed aaway? . Waxaa qortay Xildhibaan Maryan Faarah Kaahiye
Dhallinyarada Soomaaliyeed oo intooda badan shaqo la'aan ah ,qaarna qarax ku dhammaanayan, waxaa looga fadhiyaa in ay kasoo baxaan guriga qabiilka, si ay u hantaan hoggaanka dalka.
Sidaa si lamida, waxaa tusaale dhallinyarada u ah Kacdoonkii Bangladesh ee looga tuuray (xilka) Shiikh Xasiina; waa taariikh cusub oo ku suntan rabitaanka shacabka gaar ahaan dhallinyarada.
Waxaa dhabarjab dhallinyarada Soomaaliyeed ku ah in Wasaaradda Gaadiidka uu Wasiir ka yahay Gen ilka Jiir oo hoggaaminta Ciidanka ka gaarey darajo sare, kana soo baxay Kulliyadda Ciidanka kuwa ugu magaca dheer.