Jabuuti (Dawan) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita, ayaa si rasmi ah u furay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka, kaddib muddo uu baarlamaanku ku jiray fasax. Furitaanka kalfadhiga waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Kalfadhigan ayaa dib u bilaabaya hawlihii sharci-dejinta, iyadoo xildhibaannada ay horyaallaan arrimo ay ka mid yihiin miisaaniyadda dowladda ee 2027 iyo hindise-sharciyeedyo kala duwan.
Guddoomiye Dileita Mohamed Dileita ayaa sheegay in miisaaniyadda 2027 ay ka mid tahay arrimaha muhiimka ah ee laga sugayo Baarlamaanka inta uu socdo kalfadhigan. Sida xogta la soo bandhigay, miisaaniyadda Jabuuti ee 2027 ayaa la saadaalinayaa inay yeelato koror dhan 7 %, halka dakhliga la filayo lagu sheegay 161 milyan oo faran Jabuuti ah.