Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay sannad kasta lumiso ku dhowaad 800 bilyan oo shilin Kenya ah (qiyaastii 6.2 bilyan oo doolar) sababo la xiriira ganacsiga sharci-darrada ah iyo badeecooyinka been-abuurka ah, taas oo ah arrin halis ku ah kobaca warshadaha dalka iyo badqabka caafimaad ee bulshada.
Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda la dagaallanka ganacsiga been abuurka ah ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada arrintan la xiriirta ay gaartay heer aad u walaac badan, iyagoo ku baaqay istaraatiijiyad qaran oo mideysan si wax looga qabto.
Agaasimaha Hay’adda, Robi King’a, oo ka hadlay kulan looga tashanayay arrintan oo ka dhacay magaalada Nakuru, ayaa sheegay in khamriga iyo agabka la isku qurxiyo ee been-abuurka ah inay yihiin kuwa ugu badan ee suuqa ku jira. Wuxuu tilmaamay in ku dhowaad 60% khamriga lagu iibiyo dalka uu yahay mid aan sharciyeysneyn ama been-abuur ah, halka 40% oo keliya ay yihiin kuwo si rasmi ah loo soo saaray.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in khasaaraha tooska ah ee canshuuraha iyo dakhliga dowladeed uu gaarayo 153 bilyan oo shilin sannadkii, taasoo wiiqaysa awoodda dowladda ee bixinta adeegyada aasaasiga ah.
Dhanka kale, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Warshadaha, Dr. Jumwa Mukhwana, ayaa ka digay in badeecooyinka been-abuurka ah carqalad ku noqdaan qorshaha warshadaynta dalka. Wuxuu sheegay in alaabaha qiimaha jaban ee suuqa lagu soo daadiyo inay si aan caddaalad ahayn ula tartanto wax-soo-saarka maxalliga ah, taasoo keenta in warshado badan yareeyaan wax-soo-saarkooda ama gabi ahaanba xirmaan.




