Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo isku xirka ganacsiga caalamiga ah kadib markii shirkadda maraakiibta Turkiga ee Akkon Lines ay si rasmi ah adeeg toos ah uga billowday Dekedda Muqdisho, taas oo meesha ka saareysa baahidii ay ganacsatadu u qabeen inay adeegsadaan dekedo transit ah oo ku yaalla dalal kale.
Markabkii ugu horreeyay ee shirkaddan ayaa maanta oo Khamiis ah ku soo xirtay Dekedda Muqdisho, iyadoo munaasabadda soo dhoweyntiisa ay ka qeybgaleen Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Maareeyaha Dekedda Muqdisho Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”, xubno ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Safaaradda Turkiga iyo wakiillo ka socday shirkadda Akkon Lines.
Mas’uuliyiinta dowladda iyo maamulka dekedda ayaa adeeggan cusub ku tilmaamay mid muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka, maadaama uu fududeynayo isu-socodka badeecadaha isla markaana uu xoojinayo xiriirka ganacsi ee sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Shirkadda Alport Mogadishu, oo maamusha Dekedda Muqdisho, ayaa sheegtay in furitaanka khadkan cusub uu qeyb ka yahay qorsheyaal lagu horumarinayo saadka iyo isku xirka badda, si loo dedejiyo dhaqdhaqaaqa xamuulka loona adkeeyo silsiladaha ganacsi ee u dhexeeya labada dal.
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in markab toos uga yimaada Turkiga uu faa’iido weyn u leeyahay ganacsatada Soomaaliyeed, maadaama uu yareynayo waqtiga iyo kharashaadka ku baxa gudbinta xamuulka ee mararka qaar sii mara dekedo kale.