Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Qaamuuska Luuqadda Suul-dhabaaleynta Af-Soomaaliga, munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno ka socday bulshada dhagoolayaasha Soomaaliyeed.
Qaamuuskan ayaa loogu talagalay in lagu diiwaangeliyo, lagu mideeyo, laguna horumariyo ereyada Luuqadda Suul-dhabaalaynta Af-Soomaaliga, si loo helo hannaan isgaarsiineed oo ay wada fahmi karaan dadka dhagoolayaasha ah iyo bulshada inteeda kale.
Xoghayaha Guud ee Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed, Muuse Kadle, ayaa daah-furka qaamuuskan ku tilmaamay maalin taariikhi ah, isaga oo sheegay in bulshada dhagoolayaashu ay muddo dheer la kulmayeen go’doon dhanka isgaarsiinta ah.
“Maanta dareenkaygu aad ayuu u sarreeyaa. Waxaan dareemaynaa inaan ka baxnay go’doonkii ay ku jireen bulshada dhagoolayaasha Soomaaliyeed.” ayuu yiri.