Muqdisho (Dawan)- Jaamacadda SIMAD ayaa si rasmi ah u daahfurtay Xarunta Imtixaannada Xirfadlayaasha (Center for Professional Exams), taas oo ka mid ah mashaariicda lagu xusayo sannad-guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay aasaaska jaamacadda. Xarigga xarunta waxaa si wadajir ah u jaray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin Cali (Maxamed Soomaali), iyo Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Mudane Cabdikariin Muxudiin Axmed. Munaasabadda waxaa ka qaybgalay hoggaanka jaamacadda, mas’uuliyiin dowladeed iyo marti sharaf kale.
Xaruntan ayaa xirfadlayaasha Soomaaliyeed u suurtagelinaysa inay iyaga oo dalka jooga galaan imtixaannada shahaadooyinka xirfadeed ee caalamiga ah ee la aqoonsan yahay. Arrintan ayaa imaaneysa iyada waqtiyadi hore ay xirfadlayaal badan ay ku qasbanaan jiray inay dibadda u safraan si ay imtixaannadan u galaan, taas oo ku keeni jirtay kharash iyo waqti dheeraad ah.
Shahaadooyinka caalamiga ah ee xarunta laga qaadan karo waxaa ka mid ah:
ACCA: Xisaabaadka iyo maaliyadda.
PMP: Maareynta mashaariicda.
CCNA: Shabakadaha kombiyuutarrada.
IAPP: Ilaalinta xogta iyo asturnaanta shakhsiga.