Kismaayo (Dawan)- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa si rasmi ah looga furay kulanka Madasha Fulinta Miisaaniyadda iyo Hirgelinta Heerarka Caalamiga ah ee Xisaabaadka Qaybta Dadweynaha (IPSAS), kaas oo lagu falanqeynayo horumarinta maamulka maaliyadda, hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Maxamuud Cabdulle, Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, Axmed Cabdirisaaq Maxamed Handal, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha maaliyadda dowlad-goboleedyada, Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Xisaabiyaha Guud ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari iyo xubno ka tirsan Mashruuca Horumarinta Maamulka Maaliyadda Soomaaliya.
Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Maxamuud Cabdulle, oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa faahfaahiyay ujeeddada kulanka iyo natiijooyinka laga filayo, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta maamulka maaliyadda dowladda iyo dardargelinta hirgelinta Heerarka Caalamiga ah ee Xisaabaadka Qaybta Dadweynaha (IPSAS).
Waxa uu sheegay in hirgelinta IPSAS ay gacan ka geysan doonto diyaarinta warbixinno maaliyadeed oo sax ah, la isku halayn karo, isla markaana si cad u muujinaya dakhliga iyo kharashaadka dowladda.