Baydhabo (Dawan) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan magacaabi doonta guddi dib-u-heshiisiin oo ka shaqayn doona xallinta khilaafaadka iyo xoojinta nabadda guud ahaan deegaannada maamulka, sida uu Sabtidii sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-Heshiisiinta Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan.
Wasiirku wuxuu hadalkaas sheegay kaddib kulan uu Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), magaalada Baydhabo kula yeeshay odayaasha dhaqanka, guddoonka baarlamaanka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.
Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan ayaa sheegay in dhinacyadii kulanka ka qaybgalay ay isku raaceen in la dardargeliyo dadaallada dib-u-heshiisiinta, isla markaana Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu xaqiijiyay in dhawaan la magacaabi doono guddiga hoggaamin doona hawshaas.