Baydhabo (Dawan) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa $130 ku xaddiday qiimaha ugu sarreeya ee tikidhka diyaaradaha ee dadka u safraya Muqdisho, iyadoo shirkadaha duulimaadyada uga digtay inay rakaabka ka qaadaan lacag ka badan qiimahaas.
Wasaaraddu waxay wargelin ay soo saartay ku sheegtay Arabacadan maanta ah in qiimaha cusub lagu dhaqmi doono ilaa amar kale laga soo saarayo, iyadoo aan la cayimin muddada uu xadkan jiri doono.
Shirkad kasta oo rakaabka ka qaadda lacag ka badan $130 ayaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga, sida lagu sheegay wargelinta.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ugu baaqday rakaabka inay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ama mas’uuliyiinta Garoonka Shaatigaduud ku wargeliyaan shirkad kasta oo ka dalbata lacag ka badan qiimaha la cayimay. Go’aanka ayaa yimid iyadoo qiimaha tikidhada duulimaadyada ee Muqdisho uu sare u kacayay toddobaadyadii u dambeeyay.